Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kulanka GMDQ iyo Xisbiyada Siyaasadda ee KMG

Kulanka GMDQ iyo Xisbiyada Siyaasadda ee KMG

Dood wadaag ku saabsan is xog-wareysi  oo uu soo qaban qaabiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ka qabsoomey magaalada Muqdisho. Dood wadaagga ayaa waxaa ka soo qayb galay xisbiyada sida kumeel gaarka u diiwaangashan, waxaana lagu falanqeeyey noocyada kala duwan ee doorasho iyo saamayntooda. Gudoomiyaha GMDQ Xaliimo Ismail Ibrahim ayaa ka hadashay furitaanka kulanka, waxayna sheegtey in xisbiyada laga rabo inay door mug leh ka qaataan ka qeybgalka geedi socodka doorashooyiska iyo ka qeybgalka doorashada .

Waxay sidoo kale Gudoomiye Xaliimo cod dheer ku sheegtey in Guddiga uu qaban karo Doorasho qof iyo cod ah ayna u diyaarsan yihiin, kana go’an tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Dhinaca kale Comissioner Khadijo Ossoble ayaa xisbiyada kula dardaarantay inay fadhiga ka kacaan, kana qeyb qaataan u ololaynta nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, dhexdoodana wada shaqeyn mira dhal ah yeeshaan.

Inta uu socdey dood wadaagga, Xisbiyada KMG ah ayaa fikradahooda ka jeediyey, waxayna su’aalo ku aadan nidaamka xisbiyada iyo suurtagal ahaanshaha maamul goboleedyada hadii aysan ka qeybgalin doorashada waxa kaga degsan sharciga weydiiyeen madaxda Guddiga iyo khuburo arrimaha doorashooyinka ee ku sugnaa kulanka . Mohamed Abdirizak, Khabiir dhanka Arrimaha doorashooyinka, ayaa sharxaad dheer ah ka bixiyey geedi- socodkii diyaarinta hindise sharciyeedka doorashada iyo farqiga u dhaxeeya noocyada doorasho.

Ugu dambeyn kulanka waxaa so xiray Kumiishiner Maxamed Axmed Nur oo sheegay in kulankan uu ahaan doono mid joogto ah, si xisbiyada iyo Guddiguba u kala warqaataan guulaha iyo caqabadaha la xiriira in dalka ay ka qabsoonto doorasho cod iyo qof ah sannadka 2020.