Ardayda Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed ayaa maanta u dareeray Doorasho qof iyo Cod ah taasoo ay ku dooranayaan hoggaanka ardayda Jaamacadda. Ilaa 2,300 oo arday ayaa codkooda dhiibanaya iyadoo doorashadu ay ka dhacayso ilaa 4 xarumood oo kala duwan oo ka mid ah faracyada ay Jaamacaddu ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ka taageeray ardayda Jaamacadda tababarro la siiyay Guddiga Ardayda ee Maamulaya Doorashahada Hoggaanka Ardayda iyo sidoo kale qalabka loo adeegsado codaynta.