Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wakiilada beesha caalamka ee Somalia oo taageera u muujiyay

Wakiilada beesha caalamka ee Somalia oo taageera u muujiyay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Kulan ku dhex maray magaalada Muqdishu Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo wakiilada beesha caalamka ayaa waxaa taagero loogu muujiyey GMDQ iyo hawlahisa ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020/21.​

Xubnaha GMDQ ee shirka ka qaybgalay waxa ay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr James Swan iyo wakiilo ka socday beesha caalamka la wadaageen warbixin koobaysa heerka diyaargarowga Guddiga ee doorashada 2020/2021, iyaga o uga mahadceliyeen wakiilada tageeradooda GMDQ.

Xubnaha GMDQ waxaa ay ka codsadeen wakiilada kordhinta taageradooda siyaasaded iyo dhaqaale si loo xaqiijiyo  n dalka ka dhacdo doorasho hufan oo loo dhan yahay sanadka 2020/2021.

Wakiilada beesha caalamka waxaa ay ku amaaneen GMDQ  heerkisa diyaargarowga iyaga oo islamarkana balanqaaday in ay qaadan doonan kaalintooda kaga aadan  hirgelinta doorasho daahfuran oo loo dhan yahay oo ka dhacda dalka, waxaa kale oo ay masuuliyiintu carabka ku adkeeyeen inay tahay lagama maarmaan in fursad la siiyo in ay barakacayaasha iyo dadka laga tira badan yahay ay ka qayb galaan doorashooyinka . Wakiiladu waxay  xusan sida loogu baahan yahay  in Haya’adaha sharci dejinta, Fulinta, iyo Dawlad Goboleedyada si  wadajir  uga shaqeeyaan in  dalka JFS looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod sanadka 20201/2021.