Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka

Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kaashanaya hay’adda IESG ee ka taageera arrimaha doorashooyinka ee dalka Somalia ayaa maanta ku qabtay xarunta Guddiga aqoon is waydaarsi ku saabsan hufnaanta iyo horumarinta xiriirka daneeyaasha doorashooyinka.

Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxaa casharro muhiim ah ka bixiyay Mr. Judge kriegler, Gudomiyihii hore ee Guddiga doorashoyinka wadanka Koonfur Africa sannadkii 1994-tii ahna khabiir ku xeel dheer hirgelinta doorashooyinka wadama ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray hannaanka shaqo hufnaan iyo dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay Guddi Doorasho. “Waxaad ku hirgelin kartaan doorashooyin la aqbalo natiijada ka soo baxda markii aad ku guulaysataan kalsoonida daneeyaasha siyaasadeed iyo shacabka” Ayuu yiri Mr. Kriegler. Wuxuu aad ugu adkeeyey Guddiga in ay dhisaan hannaanka xiriirka iyo xallinta khilaafaadka doorashoyinka inta aysan guda gelin howlaha doorashooyinka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga, Xoghaya guud, Agaasimayasha iyo lataliyaasha GMDQ. Ka qaybg galayaasha ayaa wax ka waydiiyay khabiirka arrimo la xiriira hab ugu wanaagsan ee loo wajihi karo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala dalka iyada oo ay jiraan duruufo u gaar ah Dalka Somalia.

Aqoon iswaydaarsiga ayaa socon doona ilaa 4ta Bisha Disembar 2019.