Guddoomiyaha guddiga doorashooyinak qaranka, Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim ayaa war-bixin faahfaahsan ka hor jeedisay xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey 21 Nofeeber 2019. Guddoomiyaha ayaa sheegtay in laga soo bilaabo 1960, oo ay Soomaaliya noqotay wadan madax-banaan, la qabtay doorashooyin in tii u dhaxeysay 1964 -1969 oo kaliya. Sidaas daraadeed dadka Soomaaliyeed ma helin fursad 50kii sanno ee la soo dhaafay ay kaga qeyb- galaan doorashooyin ay ku xaqiijinayaan xuquuqdooda siyaasadeed.
Guddoomiyaha ayaa caddeysay in qaabka ku dhisan awood-qeybsiga beelaha loo sameeyey si ku meel-gaar ah, si looga gudbo marxaladda kala-guurka, ka dibna waddanka loo diyaariyo doorasho Hal qof iyo Hal cod ah.
Ms. Xaliima ayaa tiri, sannadka 2020, waa kan ugu muhiimsan oo ay dadka Somaaliyeed heli doonaan xuquuqdooda siyaasadeed ee aysan helin 50 kii sano ee la soo dhaafay. Waxaa kale oo uu hal-beeg u yahay beesha caalamka oo Soomaaliya in badan maal-gelisay si ay u dhiiri galiso dimuqraaddiyadda iyo dowlad-wanaaga. Si hadda loo gaaro yoolkaas waxaa lagama maarmaan ah in hogaamiyaasha Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba la yimaadaan dadaal dheeraad ah oo lagu qabto doorashooyin Hal cod iyo Hal qof ah sanadka 2020/2021.
Ugu danbeyn gudoomiya ayaa ka codsatay hogaamiyaasha Soomaaliyeed in ay ka taageeraan guddiga dhamaan wax-yaabaha lagama maarmaanka u ah in uu guto waajibaadkiisa qaran ee ah in uu qabto doorasho Hal qof iyo Hal cod ah sanadka 2020/2021, taageeradaas oo ay ugu horeyso mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo in la ansixiyo sharciga doorashooyinka bisha Deseenbar 2019.
Sidaas si la mid ah ayey Guddoomiyuhu uga codsatay bah-wadaagta caalamka ee taageerta Soomaaliya iyo Guddiga in ay qeyb ka qaataan dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah how-gallada doorashinka soo socda, kaas oo lagu qiyaasay 53 milyan oo Dollar.