Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

DOORASHADA 2020 IYO TAAGEERADA BEESHA CAALAMKA

DOORASHADA  2020 IYO TAAGEERADA BEESHA CAALAMKA

 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka qaranka oo safar shaqo ku joogta wadanka Maraynkank ayaa dadaal ugu jirta sidii ay warbixinno uga siin lahay ummadda Somaliyeed ee ku nool dalka Maraynkanka iyo dalalka dunida ee daneeya arrimaha Somalia.

Guddoomayaha ayaa intii ay ku sugnayd waddanka Maraynkanka la qaadatay bulshada Somaliyeed kulamo isug jiray wacyigelin iyo warbixin guulaha uu guddigu ka gaaray howlaha doorashada iyo caqabadaha horyaal.

Waxaa Guddoomiyuhu sidoo  kale la kulantay safaaradaha dalalka daneeya arrimaha Somalia sida: Sweden, Belgium, Ethopia, Germay, Norway, Turkey, Qatar, Kuwait, Egypt, Eritiera, Uganda iyo Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka siisay safiirrada iyo ergayga gaarka ee u qaabilsan qaramada midoobay arrimaha Somalia Mr. James Swan.  Warbixintan ayaa ku saabsanayd heerka waxqabad ee guddiga doorashooyinka iyo caqabadaha horyaalla howlaha doorashada oo ay ugu horreeyaan daahitaanka sharciga doorashooyinka iyo helitaanka dhaqaalaha lagu hirgelin lahaa doorashada..

Ergayga qaramada midoobay ayaa sidoo kale warbixin dheer ka sii daayay kulanka safiirrada gaar ahaan baahida loo qabo in dalka Somalia laga xaqiijiyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020.

Dhamaan safiirrada ayaa u muuqday inay aad u danaynayaan in taageero buuxda Guddiga laga siinayo sidii uu u hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod sannadda 2020.  Safiirka Jarmalka iyo Sweden ayaa si gaar ah taageero buuxdo Guddiga ugu muujiyay  kuna deeqay hanti dhaqaale oo ay ku taageerayaan howlaha doorashooyinka ee guddigu ku guda jiro. Guddiga ayaa aad loogu dhiirri geliyay in fiiro gaar ah u yeeshaan doorka haweenka ee ka qaybgalka howlaha doorashooyinka iyo axsaabta dalka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka qayb gashay kulanka Golaha Amaanka ee looga dooday arrimaha Somallia ee ka dhacay xarunta UN-ka bishan aan ku jirno ee Nov 21, 2019.

Kulankan ayaa waxaa ugu muhiim sanaa in aad loo adkeeyey muhimmada uu leeyahay in marxaladda kala guurka ah ee Somalia laga wada shaqeeyo sidii loo hirgelin laha nidaamka axsaabta badan ee doorashada qof iyo cod dhamaadka sannadka 2020.

Marka la isku soo duubo arrimahan ayaa waxa aya muujinaysaa sida beesha caalamka, ummadda Somaliyeed ay u danaynayaan in dalkan uu ka guuro nidaamka waxku qaybsiga qabiilka.

Si taa lam id ah, Guddiga waxaa ka go’an in uusan marna ka baaqsan caqabadkasta oo jirta in uu istaago waajibaadkiisa dastuuriga ah ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo ka hirgasha Dalka Somalia.