USA 10 November 2019: Guddoomiye Xaliimo oo la kulantay jaaliyadda Soomaaliyeed ee USA
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka marwa Xaliima Ismaaciil oo safar shaqo ku joogta wadanka Maraykanka ayaa waxa ay halkaa kula kulantay bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiyaha ayaa jaaliyadda uga war bixisay geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya iyo heerka diyaar garowga GMDQ.
Marwo Xaliimo ayaa kulanka ku soo bandhigtay heerarka kala duwanaa ee uu soo maray Guddigu, waxa u qabsoomay, horumarada laga sameeyay doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban Guddiga iyo geeddi socodka doorashada Soomaaliya.
Waxay sidoo kale bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ku boorrisay iney kaalintooda ka qaataan dadaallada dowlad dhisidda iyo dimuqraadiyeynta Soomaaliya oo heer fiican maraya. Waxay si gaar ah diiradda u saartay ka qeyb galka xisbiyada siyaasadda ee dhismaya.
Ka qeyb-galayaasha kulanka oo ay ka muuqatay sida ay ugu riyaaqsanyihiin dadaalada Guddigu ugu jiro hirgelinta doorashada qof iyo
cod ah, ayaa Guddoomiyaha uga mahad celiyay shaqada ay waddo una rajeeyay guul.