Xarunta dhexe ee Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka waxaa lagu qabtey maanta oo taariikhdu tahay 31-10-2019, xaflad lagu Soo dhaweynayey xubin Komiishineer cusub oo ka mid ah GMDQ mudane Aadan Cabdinasir Maxamed, oo badalay gudoomiye ku xigeenkii hore oo baneeyey booska xubinnimo ee Gudigga.
Soo dhaweynta xaflada waxaa daah furay Komiishineer C/raxmaan Cusman Dirir, asiga oo u mahadceliyey xubnaha howlwadeenada Guddiga, waxa uuna soo dhaweyey xubinta cusub ee ku soo biiray Guddiga, waxa uuna isbarasha guud u sameyey xubinta cusub iyo howlwadeenda Guddiga.
Waxaa sidoo kale Meesha ka hadalay xoghayaha Guud Cabdirisaq Bashiir oo munaasabada ka soo jeediyey wax qabadka Guddiga iyo hadalo isugu jira guubaabo iyo soo dhaweyn ah, waxa uu yiri; “waxaynu si heer sare ah cod mideesan ugu soo dhaweeyneynaa Komiishineer Aadan C/salaan.
Komiishineer Adan Cabdisalaan Maxamed oo ka hadlay soo dhaweynta loo sameyey ayaa waxa uu yiri; “ aad baan idinkaga mahadcelinayaa soo dhaweynta qiimaha leh ee aad ii sameeyeen maanta, haddii aan idinkaga waramo taariikhdeyda aniga waxaan wax ku soo bartey Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, sidoo kale waxaan ka mid ahaa dadkii u ololeeyey in dalka uu ka qabsoomo doorasho cod iyo qof ah, waana ku faraxsanahay inaan maanta ka mid noqdo madaxda Guddiga, mana ahaan doono masuul xafiiska ku ekaado balse waxaan noqon doonaa masuul idinla shaqeeya wax badana ka barta howlwadeenada Guddiga”
Ugu dambeyn codka Howlwadeenada waxaa ku hadley lataliye Axmed Yusuf oo sheegay in Guddiga howlwadeenada iyo madaxduba ay ka go’an tahay wada shaqeyn dhab ah, ayna yihiin kuwa waajibaadka saaran si dhab ah uga soo baxa.