Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kulanka Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay

Kulanka Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay

Gudoomiyaha GMDQ marwo Xaliimo Ismaaciil ayaa kulan mira dhal ah oo ku saabsan doorashada qof iyo codka ah ee 2020ka la qaadatay ku xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay marwo Aamina J. Mohamed oo booqashao ku timid Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Xog-hayaha Guud ee QM ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin kawada shaqaynta arrima doorashada qof iyo cod, helista dhaqaale lagu diiwaangeliyo codbixiyaha, sidii aay u ogolaan lahaayeen madaxda Gobolada in aay Xisbiyadu xaafiisyo ka furtaan sida ugu dhaqsiyaha, uuna u soo bixi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan leh Sharciga Doorashooyinka, iyo sidii aay UN-ka u garab istaagi lahaayeen doorashada 2020.

Waxay sidoo kale si wadajir hoosta uga xarriiqeen in haweenka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay iney doorashada uga qeyb galaan cod-bixiye ahaan & musharraxiin intaba.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah kaalin weyn uga qaata nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga marwo Xaliimo ayaa ku xigeenka xog-hayaha guud uga mahad celisay hoggaankeeda wanaagsan iyo dadaalka ay ku bixiso horumarinta sinnaanta iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay. kulankaasoo ku dhamaadey guul.