20/10/2019: Aqoon is weydaarsi ku saabsan ka qaybgalka haweenka ee hogaanka xisbiyada siyaasadda oo uu soo qaban-qaabiyay GMDQ ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho.
Aqoon is weydaarsigan oo ah kii labaad muddo bil ah gudaheed waxaa ka soo qeybgalay wakiillo ka socda Urarada Bulshada Rayidka dalka.
Furitaanka aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka hadlay marwo Khadiija Cosoble oo ka mid ah xubnaha GMDQ Soomaaliya. Komoshinar Khajiijo waxay faaf-faahisay u jeeddada aqoon-is-weydaarsiyadan oo ay ku sheegtay ku baraarujinta qeybaha bulshad muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan hoggaanka xisbiyada Siyaasadda.
Waxay sidoo kale Ururada Bulshad Rayidka xasuusisay doorka iyo kaalinta ay ku leeyihiin sidii waddanka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah 2020. Waxay ururada Bulshada xasuusisay iney u qareemaan geeddi socodka doorashooyinka dadka Soomaaliyeedna ay wacyi geliyaan. Si dhammaan dadka Soomaaliyeed si gaar ah haweenku ay u helaan fursad ay uga qeyb galaan hoggaanka dalka waa in dowladnimada qabiilku saldhigga u yahay aan ku bedelnaa nidaamka xisbiyada badan ayay hadalkeeda ku dartay marwo Khadiijo.
Ka qeyb galayaasha waxaa sidoo kale casharro la xiriira xisbiyada siyaasada, xuquuqda haweenka iyo sharciyada doorashada la xiriira usoo jeediyay hawl-wadeeno ka tirsan GMDQ oo arrimahan ku xeel-dheer. Waxaa sidoo kale dood iyo aaraa’ is dhaafsi laga yeeshay xiriirka ka dhexeyn kara Bulshada Rayidka, xisbiyada/ururada siyaasadda iyo geeddi socodka doorashooyinka.
Waxaa sidoo kale aqoon-is-weydaarsiga inta uu socday ka qeyb-galayaasha oo idil hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo ansixinta sharci doorasho oo ay isku waafaqsanyihiin dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka.
Ansixinta sharciga doorashooyinka oo hadda horyaalla Golaha Shacabka ayaa GMDQ & dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ay ka dhur-sugayaan maadaama uu lagama maarmaan u yahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah 2020ka.
Kulamada noocaan ah ee sare loogu qaadaayo aqoonta iyo fahamka bulshada ee ka qeybgalka haweenka ee xisbiyadda siyaasada ayaa dhowr jeer hore Guddigu ugu qabtay qeybaha bulshada. Kulmadaan ayaa looga gol-leeyahay iney qeyb ka noqdaan dadaalka loogu jiro in haweenku golayaasha dowladda ka noqdaan ugu yaraan 30%.