16 Oktoobar 2019: Guddoomiyaha GMDQ oo xarunta Guddiga kula kulantay guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Filish
Labada Guddomiye ayaa kulan ka yeeshay dar-dar gelinta hawlaha loogu diyaar garoobayo doorashada 2020ka iyo sidii maamulka gobolka Banaadir iyo GMDQ usii xoojin lahaayeen xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeeya.
Waxaa si gaar ah looga wada hadlay sidii loo furi lahaa xafiiska Guddiga ee gobolka Banaadir. Guddoomiye Cumar Filish ayaa bogaadiyay wax-qabadka Guddiga isaga oona ballan qaaday in maamulkiisu uu kala shaqeyn doono Guddiga hawalaha doorashada ee ay ka qabanayaan Muqdisho.
GMDQ ayaa xafiis goboleedyo ka furtay xarumaha dowlad goboleedyada – xarumahaas oo loogu tala galay iney hoggaan u noqdaan hawlaha doorashooyinka 2020ka.