29/09/2019 Kulan uu soogabanqaabiyey xafiiska diiwaangelinta xisbiyada ee GMDQ ayaa ka qabsoomey xarunta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Magaalada Muqdisho
Wadatashi ku saleysnaa soo bandhigida xogtii kormeerka ee xisbiyada lagusameeyey iyo xogta ciwaanada saxda ah ee laga heli karo xisbi walbo,habka loo maamulo miisaaniyada xisbiyada iyo dhaqdhaqaaqyada miisaaniyadeed ee uu diiwaangelihu uu xaqa u leeyahay
Kulanka waxaa daah furey isla markaana ujeedada ka hadley diiwaangeliyaha Xafiiska Xisbiyada Maxamed Axmed Cumar Heydara oo sheegay in la kulmida xisbiyada ay tahay mid lagu kobcinaayo habka Shaqo ee xisbiyada.
Dhinaca kale Agaasimaha xafiiska xisbiyada Maxamed Maxamud Xasan ayaa sharaxaad ka bixiyey dariiqa loo maro bilowga diiwaangelinta xisbiyada iyo sharuudaha looga baahan yahay ilaa uu ka dhameestiro sharuudaha uu ku heli karo shahaadada ku meelgaarka ah ee Xisbinimo iyo nidaamka loo maro iscasilaada xisbiga uu ka mid ahaa.
Sidoo kale xisbiyada u suuragashey inay ka soo qeyb galaan kulanka wadatashiga ah gaar Ayaan Xogayeyaalka xisbiyada ayaa su’aalo weydiiyey madaxda xafiiska diiwaangelinta.
Xoghaye walboo ka socdey xisbiyada kmg ah ayaa su’aalahooda u badnaa xarumaha ay ka sameesan karaan xafiisyadooda iyo inay ku adag tahay dhaqdhaqaaq Shaqo ee ka heysata marxalada Ammni ee uu dalka maraayo.
Gabagabadii kulanka wadatashiga waxaa Soo xeray Komiishiner Cabdiraxman Dahir Dirir ayaa kula dardaarey xisbiyada inay sharciga ilaaliyaan si ay xisbi dhameestiran u noqdaan