26/09/2019–Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyika Qaranka Marwo Xaliima Ismacil Ibraahim ayaa waxa ay ka qeybgashay madasha 74aad ee sanadlaha Qaramada midoway.
madasha kulanka waxaa ka soo qeybgalay madaxda in ka badan 150 dowladood oo ka kala socday dhamaan qaaradaha caalmka.
Waxaa Madasha khudbad ka soo jeediyey Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo si xoogan kaga hadlaayo arimaha dooarshooyinka, waxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin qabsoomidda doorasho cod iyo qof sanadka 2020, caalamkana ay tahay in ay ku kaalmeyaan.
Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga ayaa shirar gaar gaar ah la qaadatay wadamo daneynayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya, waxaa ay ugu warbixisay howlaha u qabsoomay, meelaha ay wax marayaan hada iyo diyaargarowga Guddiga ee qabsoomida doorasho qof iyo cod ee 2020, sidoo kale waxay ka codsatay in la maalgaliyo howlaha doorashada iyo hanaanka Diiwaangalinta codbixiyaha, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo Gudiga Amniga doorashada.