Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Dood-cilmiyeedka 14aad ee Sanadka 2019

Dood-cilmiyeedka 14aad ee Sanadka 2019

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka  (GMDQ) ayaa qayb ka ah koox Soomaali ah oo ka socda Baarlaammanka, Wasaaradda Dastuurka ee Soomaaliya, iyo Guddiyada la-sododka Dastuurka oo ka qayb qaadanaya Dood-cilmeyeedka  14 jirsadey ee  sanadka 2019.

Dood cilmiyeedkan oo ay ku kulmaan dhamaan Guddiyadda Doorashooyinka Afrika iyo Aqoonyanada Doorashooyinka ku xeeldheer ayaa GMDQ, waxaa uga qay galaya Ahmed Yusuf oo Guddiga u qaabilsan Kormeerka iyo Qiimaynta Hawlaha doorashadda ee 2020ka.

Cinwaanka Sanadka: Hufnaanta Doorashooyinka Africa: Waxay wajahayaan Qataro cusub Aqoonyano kala duwan ayaa soo bandhigay qataraha cusub ee uu la daalaadhacayo Guddiyada

Doorashooyinka ee Afrika ayagoo tusaale u soo qaadanayay South Africa, Democaratic Republic of Congo, Zimbabwe, Nigeria, Kenya iyo Sierra Leone. Qatarahaas ayaa isugu jira kuwo siyaasadeed; dhaqaale, farsamo, Technolgiyadda cusub, iyo bulshooyinka Africa oo ka sii rajo dhigaya in doorashadu u keenayso isbadal qofeed taasoo hoos u dhigtay  in muwaadiniintu Afrika ay u soo baxaan codaynta sanadahii u danbeeyay. Qataraha la xusay waxaa u waa waynaa:

  • Dhaqaalaha loo qoondeeyay Doorashooyinka iyo Guddiyadda Doorashooyinka oo aad u yar taasoo wiiqaysa in Guddiyadu Hufnaan yeeshaan.
  • Bulshadda oo aan abaabulayn. Dhalinyadda, dumarka iyo ururadda bulshada rayidka ah ee Africa oo aan doorkooda siyaasaddu muuqan.
  • Xildhibaanadda Africaanka ee sharciyadda Doorashooyinka qoraya oo aan aqoon u lahayn wareega iyo heerarka u diyaar garowga doorashooyinka taasoo keeni karta  in doorashadu farsamo ahaan dib u dhacdo.
  • Mucaaradka oo aan ku kalsoonayn Guddiyadda Doorashooyinka kuwaasoo intaan doorashadu bilaaban sii saadaaliya in laga eexan doono, ka dibna ay Maxkamadaha la tiigsan doonaan Guddiga Doorashashooyinka
  • Xisbiyadda talada haya oo isku daya inay awoodooda u isticmaalaan inay baqdin galiyaan Guddiyadda Madaxabanaan ee Doorashooyinka.
  • Faqrigga baahsan ee Africa oo keeni kara  in la iibsado codadka muwaadinka
  • Qalabka technoolajiyadda oo Wadamo kale maamulaan oo aan dhawri Karin sirta muwaadinka taasoo loo isticmaali karo dano kale.