Tababar ku saabsan hawlaha saadka iyo diyaarinta agabka Doorashooyinka ayaa maanta u furmay hawlwadeenada GMDQ ee xafiisyada Dowlad Goboleedyada.
Tababarkan oo mudo labo maalmood ah socon doona ayaa waxa daah furay kusimaha Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka mudane Eng-Mohamed Ahmed Nur Boorow.
Tababarkan oo ay si wadjir ah u soo qaban qaabiyeen Guddiga Doorashooyinka, IESG iyo Muashruuca Build oo ay fulinayso Creative Associates International.
ayaa qayb ka ah hawlaha tayaynta awooda shaqo ee hawlwadeenada Guddiga Doorashooyinka.