FARRIINTA TODOBAADKA
Farriintii tan ka horreysay waxaan idin kugu soo gudbinay in diiwaan-gelinta xisbiyada siyaasaddu ay marto laba heer sida uu qabo sharciga xisbiyada siyaasadda. Labadaas heer oo kala ah diiwaan-gelin ku-meel-gaar ah iyo mid rasmi ah.
Todobaadkan farriinteenu waxay ku saabsantahay shuruudaha ku xiran diiwan-gelinta ku-meel-gaarka iyo muhiimadeeda.
1. Shuruudaha diiwaan-gelinta ku-meel-gaarka ah
Sida ku cad sharciga xisbiyada siyaasadda, si xisbigu uu diiwaan-gelin ku-meel-gaar ah u helo waa inuu xafiiska diiwaan-geliyaha xisbiyada siyaasadda usoo gudbiyaa:
• Maxdar qoraalka kulankii ugu horeeyay oo ay yeesheen xubnaha xisbiga asaasay oo saxiixan;
• Magaca xisbiga siyaasadeed oo buuxa iyo isagoo lasoo gaabiyay haddii uu codsado xisbigu.
• Lifaaq nuqul dastuurka xisbiga siyaasadeed
• Ballanqaad sugaya dhowrista iyo ku-dhaqanka sharciga xisbiyada siyaasadda iyo habdhaqanka xisbiyada siyaasadda.
• Qoraal caddeynaya habka xisbigu u xallinayo khilaafaadkiisa gudaha
• Cadeynta bixinta khidmada diiwaangelinta kumeel-gaarka ah oo ah 10 malyan ShSo. oo u dhiganta shan boqol oo Doollar ($500).
• Codsi ku qoran warqad leh astaanta rasmiga ee xisbiga.
Shuruudaha kore marka uu buuxiyo, codsaduhu wuxuu qaadanayaa magaca xisbi siyaasadeed ku-meel-gaar ah oo ay caddeyn u tahay shahaado saxiixan oo shabbadaysan oo ka soo baxday xafiiska diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadda ee Guddiga.
2. Maxay tahay u jeeddada diiwaan-gelinta ku-meel-gaarka ah?
Xisbi siyaasadeed waxaa diiwaan-gelinta ku-meel-gaarka ah loo siiyaa u jeeddooyinka soo socda:
• Si uu shirar u qabsado
• Si uu xafiis u furto
• Si uu xubno u qorto
• Si uu ugu diyaar garoobo diiwaan gelinta rasmiga ah
3. Diiwaan gelinta ku-meel-gaarka xisbigu doorasho ma ku geli karaa?
Maya. Diiwaan-gelin ku-meel-gaar ah xisbigu doorasho kuma geli karo. Xisbigu inta uusan doorashada ka qeyb-gelin waa inuu isu diiwaan-geliyaa si rasmi ah.