Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Xuquuqda Dumarka iyo Dastuurka

Xuquuqda Dumarka iyo Dastuurka

Kaalin siyaasadeed oo mug leh oo ay haweenku ku yeeshaan hoggaanka dalka waxay ku xiran tahay in dastuurka iyo qawaaniinta dalka ay ka muuqato xuquuqda siyaasiga ah ee  haweenka iyo si sax ah loo xaqiiyo kor u qaadida doorka siyaasadeed ee haweenka.

Haddaba kulan looga hadlayey arrimha dastuurka iyo xoojinta doorka siyaasadeed ee haweenka oo ay soo wada qaban-qaabiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyo Wasaaradda Dastuurka  ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan  waxaa ka soo qaybgalay Xisbiyada siyaasadeed, ururada bulshada rayidka ah, xildhibaannada labada aqal iyo  Guddiga Madaxabannaan ee dibu-eegista dastuurka waxaana lagu falanqeeyay  sidii dastuurka dib u eegista lagu wado loogu muujin lahaa xuquuqda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed.

Furitaanka kulanka waxaa ujeedooyinkiis  ka hadashay Gudoomiyaha GMDQ Xaliimo Ismail Ibrahim, iyadoo si qoto dheer uga warantay taariikhda ka qaybgalka siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyo horumarka illaa hadda la gaaray oo ah 24% inay haweenku ka yihiin Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxay kale oo ay sheegtay marwo Xaliimo sida lama huraanka ay u tahay  saamia (koonto) ay haweenku yeeshaan oo lagu xuso dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

Sidoo kale Gudoomiye Xaliimo ayaa sheegtey in sharciga doorashada iyo sharciga dastuurka in lagu qoro saamiga  haweenka aysan dhib aheyn, laguna xaqiijinaayo xuquuqda haweenka ee siyaasadda.

dhinaca kale waxaa kulanka ka hadley wasiirka Dastuurka Federaalka Somaliya  Saalax Axmed Jaamac, isaga oo tibaaxay  in  masuuliyad ka saaran tahay wasaaradda  ka qeybgalka siyaasadda ee haweenka sidoo kale Wasiir Saalax ayaa yiri “Badanaa dastuurka waxaa lagu xusaa xuquuqda muwaadinka oo ah mid loo siman yahay rag iyo dumarba waxaana lama huraan ah in la tixgeliyo duruufaha dhaqan iyo siyaasadeed ee dalka ka jira”