Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   [email protected] | Media Contact +252 612868294  

Sedax (3) Xisbi oo la guddoonsiiyey shahaadada xisbinnimada ah ee Ku-meel-gaarka.

12/09/2019- Sedax  (3) xisbi siyaasadeed oo cusub ayaa maanta shahaadada xisbinimo ee ku meel gaarka ah lagu guddoonsiiyay munaasabad  ka dhacday magaalada Muqdisho.

Sedaxda  xisbi ee la guddoon siiyey shahaadooyinka waxay kala ahaayeen, Xisbiga Golaha Dimuqraadiyada Qaranka, Xisbiga Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed  iyo Xisbiga Waddaniga Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa ku sugnaa madaxda Guddiga Madaxbannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, lateliyayaasha Guddiga,  howlawadeenada  Guddiga iyo xisbiyo horey loo diiwaangeliyey.

Sedaxda xisbi ee shahaadada la siiyay ayaa si isla mid ah uga hadlay sida ay ugu faraxsanyihiin heerka ay soo gareen waxayna ballanqaadeen iney diiwaan gelinta rasmiga ah sidii ay ku heli lahaayeen ay ku dadaali doonaan.

Ugu dambeyn waxaa hadalo dardaaran ah ka jeedisey goobta Gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismail Ibrahim

waxayna kula dardaarantay Xisbiyada inay u istaagaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo qaran oo rasmi ah  doorkoodana ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa himilada Soomaaliya ay higsaneyso oo ah doorasho qof iyo cod ah 2020ka.

Sedaxda  xisbi ee maanta shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah la siiyay ayaa ku soo biiraya 54 kale oo hore loo diawaan geliyay taas oo tirada guud ka dhigeysa 57.

Xisbiyada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah la siiyay ayaa looga fadhiyaa iney dadaal geliyaan sidii xisbiyo rasmi ah oo doorasho geli kara ku noqon lahaayeen si waddanka ay u samata bixiyaan.