Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa ka qeyb-gashay Shir lagu qabtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho. Shirkaas oo ay qayb ka ahaayeen daneeyayaasha arrimaha Dimuqraadiyeenta iyo Doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya horaanta sanadka 202o-da.
Gudoomiyaha GMDQ Marwo. Xaliimo Ismaciil ayaa si qoto dheer ka qayb-galayaasha kulankan ugu sharaxday halka ay marayso geedi-socodka doorashooyinka dalka oo uu Guddigu gacanta ku hayo, waxayna aad ugu nuux nuuxsatay howlaha la qabtay iyo kuwa qorshaysan oo laga dheehan karo cabiraada saxda ah ee ku aadan dadaalka Guddigu ugu jiro hirgelinta iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
GMDQ waxa uu aad u rajeynayaa in Guddiga Barlamanka u saaray dib u eegista sharciga doorashooyinka in ay soo dhameystiraan oo ay Barlamanka u gudbiyaan waqtiga ku habboon oo Guddiga ku gudan karo waajibaad loo idmaday.