09/09/2019 – Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ)iyo hay’adaha caalamiga ee taageera doorashooyinka Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid xog is dhaafsi ah ayaa intuu socday waxaa heerka diyaar garowga Guddiga ka war bixisay guddoomiye marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. Guddoomiyuhu waxay si qota dheer ka qeyb galayaasha ugu faah-faahisay halka ay Guddiga wax u marayaan, hawlaha muhiimka ah ee qabsoomay.
Dhankooda hay’adahan caalamiga ee daneeya doorashooyinka Soomaaliya ee shirka joogay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin wax qabadka Guddiga
Ugu danbeyntii hay’aduhu waxay ballan qaadeen in ay Guddiga ka taageeri doonaan sidii waddanka ay uga hirgeli lahaayeen doorasho qof iyo cod ah markii ugu horreysay muddo 50 sano ah.