Tababar ku saabsan qorsheynta iyo diyaarinta warbixinnada ayaa hawl-wadeenada Guddiga maanta uga furmay xarunta Guddiga ee Muqdisho.
Tababarkaan oo uu bixinayay xeel-dheere Axmad Yuusuf oo Guddiga kala taliya qorsheynta, kormeerka iyo qiimeynta ayaa waxa uu socon doonaa muddo 10 cisho ah. Muddadaas ayaa 2 saacadood oo ka mid ah saacadaha shaqada ay hawl-wadeennadu xaadiri doonaan tababarka.
U jeeddada tababarkaan ayaa ah in hawl-wadeennada Guddigu helaan xirfado u saamaxa qorsheynta, maamulidda iyo kormeeridda hawlaha baaxadda leh ee loogu diyaar garoobayo doorashada qof iyo codka ah ee 2020ka.
Guddiga ayaa hirgelinaya aragti ku dhisan aqoon iyo waaya-aragnimo wadaagid u dhexeysa hawl-wadeennada iyo la-taliyaayaashu si tayada Guddiga sare loogu qaado.