Maxay tahay diiwaan gelinta rasmiga ee xisbiyada siyaasadda?
Diiwaan gelinta rasmiga ahi waa diiwaan gelin kama danbeys ah oo xisbigii hantaa uu doorashada ku geli karo.
Waa maxay shuruudaha diiwaan gelinta rasmiga ah ee xisbiyada?
Xisbigu si uu diiwaan gelin rasmi ah u helo, shuruudihii diiwaan gelinta ku-meel-gaarka ahayd waxaa u dheer in ugu yaraan 10.000 (toban kun) oo xubnood uu ka diiwaan gashado ugu yaraan 9 (sagaal) gobol oo ka mid ah dalka. Sidoo kale waa inuu xisbigu xafiisyo iyo xarumo ku leeyahay 9 gobol oo ka mid ah waddanka. Xisbigu waa inuu sidoo kale bixiyaa khidmada diiwaan-gelinta rasmiga oo ah $1000 (kun dollar)
Ka dib buuxinta shuruudaha diiwaan gelinta rasmiga, xisbigu waxa uu noqonayaa mid rasmi ah, waxa uuna heli doonaa xuquuqaha sharciga xisbiyada siyaasaddu siinayo. Xisbiga rasmiga ahi waxa uu sidoo kale ka qeyb-qaadan karaa doorashooyinka.
Qof aan Soomaali ahayn xisbi ma furan karaa ama ma ka mid noqon karaa?
Maya. Muwaadiniinta Soomaaliyeed keliya ayaa xisbi furan kara ama xubin ka noqon kara.
Ma jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo xisbi aan xubin ka noqon karin?
Haa. Sida uu qeexayo sharciga xisbiyada, xubnaha ka reeban ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadda waxaa ka mid ah:
• Ciidamada Qalabka Sida
• Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka
• Hawlwadeenada Safaaradaha (Diblomaasiyiinta)
• Dhamaan Shaqaalaha dawladda
Waa maxay doorka xisbiyada siyaasaddu?
• Wacyi gelinta iyo war gelinta dadweynaha
• Waxay la xisaabtamaan dowladda
• Waxay sharraxaan/soo gudbiyaan murashaxiinta
• Waxay sare u qaadaan codka dadka oo gaarsiiyaan dowladda.
Tirada xisbiyada siyaasadda ma xadidanyihiin?
Maya. Sababta oo ah dastuurka KMG ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qof kasta oo muwaadin ah xaq u siinayo inuu ka mid noqdo ama uu furto xisbi siyaasadeed. Balse tan micneheeda ma ahan in qof kasta uu xisbi iska sameysan karo sababta oo ah shuruudo ayuu sharcigu ku xirayaa.