Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Farriinta todobaadka : waa maxay xisbi siyaasadeed?

Farriinta todobaadka :  waa maxay xisbi siyaasadeed?

Xisbi siyaasadeed dimuqraadi ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qaybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorshayaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qayb-geleysa doorashooyin guud, kana qayb qaadaneysa dhismaha xukuumaddda ama mid mucaarad ku ah.

YAA QAADAN KARA MAGACA XISBI SIYAASADEED?
Magaca xisbi siyaasadeed waxaa loogu yeeri karaa xisbiga diiwaan gelin ku-meel-gaar ah ama mid rasmi ah ka haysta GMDQ. Diiwaan gelinta xisbiga waxaa caddeyn u ah shahaado saxiixan oo shabbadaysan oo ka soo baxday xafiiska diiwaan geliyaha ee Guddiga.

NIDAAMKEE LOO MARAA DIIWAAN GELINTA XISBIYADA SIYAASADDA?
Diiwaan gelinta xisbiyada siyaasaddu waxay martaa laba heer. Heerka koowaad oo ah diiwaan gelinta ku-meel-gaarka iyo heerka labaad oo ah diiwaan gelinta rasmiga.

Farqiga u dhexeeya labada diiwaan gelin iyo shuruudaha ku xiran mid walba waxaad kaga bogan doontaa farriinta todobaadka danbe.

Guuleysta!