20/08/2019.Dood wadaag gaar u ah dumarka oo ah ka qeyb galka siyaasadda, laguna weydiinaayo su’ aalo qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, haweenka Xildhibaanada, ururada suxufiyiinka haweenka iyo haweenka u dhaqdhaqaaqa xaquuqda haweenka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisha maanta
Furitaanka dood wadaagga waxaa hadalo mahadnaq ah ka jeedisey Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Xaliimo Ismail Ibrahim ayaa sheegtey in ay ka go’an tahay ka Guddiga ahaan qabashada doorasho cod iyo qof, sidoo kale Gudoomiyaha waxay sheegtey in dalka uu ka bilaaban doono nidaamka doorashada xisbiyada badan leh, haweenkuna laga rabo inay ka muuqdaan ka mid ahaanshaha xisbiyada si ay uga mid noqdaan nidaamka dowladnimo. Marwo Xaliima Ismaciil waxay ku tirtirsiisay dumarka ka qayb galay dood wadaagga inay isku kalsoonaadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii door muuqda uga qaataan qaybaha kala duwan ee maamuulka iyo siyaasadda
Dumarka ka soo qayb galay dood wadaagga waxay su’aalo khuseeya doorkooda sidii kor loog qaadi lahaa ay weydiiyeen madaxda haweenka ee ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dood wadaagga waxay dumarka carabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in la kobciya aqoonta haweenka , iyo sida lagu helo karo tiro badan oo haween ah ee ka qeyb qaata nidaamka doorashada xisbiyada badan leh.
Ugu dambeyn Madaxda haweenka ee safka hore ee dood wadaagga ee ku suganaa madashaha kulanka ayaa si wanaagsan uga jawaabey suaalaha martida ka soo qayb gashay kulankan waxayna haweenka iskula dardaarmeen inay kaalintooda qaataan, isla markaana ay xoogga saaraan ka qeyb galka siyaasadda iyo doorashada cod iyo qof .