Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20 August 2019, waxaa uu Magaalada Muqdisho ku qabtay aqoon is weydaarsi ku saabsan doorka haweenka ee ka qeyb-galka howlaha doorashooyinka.
Aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah haweenka hoggaamiyayaasha ah ee ururada haweenka, xisbiyada siyaasadda, haweenka xildhibaanada baarlamaanka iyo bulshada rayidka ah.
Furitaanka kulanka waxaa hadallo dhiirigelin ah ka jeedisey xubin ka mid ah Guddiga Drs. Khadiijo Cosoble Cali.
Khadiijo Cossoble ayaa sheegtey in muhiim uu u yahay haweenka ka qeyb galka siyaasadda, iyo inay kaalin weyn ka qaataan doorashada ka dhici doono dalka 2020
“Waa lagama maarmaan in haweenka Soomaaliyeed ay doorka uga aaddan ka qaataan hawlaha xisbiyadda siyaasadda” ayay sheegtay Drs Khadiija Cosoble Cali.
Ujeeddada aqoon isweydaarsiga waxa uu yahay mid lagaga hadlo sare u qaadida matelaadda haweenka Soomaaliyeed ee Siyaasadda iyo hoggaanka dalka, iyadoo ka qeybgalayaashu ay soo bandhigeen ra’yigooda ku aaddan kor u qaaddida dowrka haweenku ku leeyihiin siyaasadda dalka.