Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

GMDQ oo kulan la yeeshay Guddiga baarlamaanka ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka

GMDQ oo kulan la yeeshay Guddiga baarlamaanka ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka

19 August 2019 -GMDQ ayaa diyaariyay talooyin ku aadan diyaarinta qabyo qoraalka sharciga doorashooyinka. Talooyinkan ayaa guddigu la wadaagay Guddiga baarlamaanku u magacaabay inay soo diyaariyaan sharciga doorashooyinka. Talooyinka guddiga ayaa waxaa ugu waawaynaa in laga digtoonaado in uu waqti dheer qaato diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo in sharcigu uu ka hoos maro heerarka caalamiga ah ee lagu cabiro hufnaanta doorashada. Waxay tilmaameen in meesha laga saaro qodob kasta oo wax u dhimaya madax bannaanida howlaha guddiga.

GMDQ ayaa caddeeyey in maqnaanshaha sharciga doorashooyinka uu caqabad ku yahay dhamaystirka howlaha doorashooyinka oo ay ugu horreeyaan diiwaangelinta codbixiyaha iyo hirgelinta shahaadada rasmiga ah ee axsaabta siyaasadda.

Guddiga baarlamaanka ayaa qoraal ahaan uga guddoomiyay talooyinka GMDQ waxayna ballan qaadeen inay tixgelin siin doonaan talooyinkan iyaga oo ku dul shaqayn doona qabyo qoraalkii sharcigii horay loo soo diyaariyay.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa ee labada guddi iyo in si wadajir ah talo looga yeesho arrimaha sharciga doorashooyinka.