Taariikhdu markey aheyd 14 illaa iyo 15 bisha August, 2019, waxaa tababar uga furmay magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah howlwadeenada Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka GMDQ.
Waxaana furitaanka hadalo dhiiragelin iyo mid baraarujin ka jeediyey Xoghayaha Guddiga Mudane Cabdirisaq Bashir Maxamed, waxa uu u mahadceliyey hay’adaha saaxiibada la ah Guddiga ee ka caawiyo tababarada.
tababarka waxaa fududeeya ka ahaa aqoonyahano ka socda Hayadda Creative Associates International.waxaana maalgeliyey Hayadda USAID.
Tababarka waxaana lagu bartey wareega doorashada, sharciyada iyo habraaca doorashada, qorsheynta howlaha kala duwan, iyada oo mudnaanta la siinayo sida howsha isugu xigto iyo hanaanka gundhigga u ah howlaha doorasho (Basics of process mapping).
Haddaba. Guddiga waxaa ka Go’an in ay dalka gaarsiiso nidaamka doorasho cod iyo qof ah, waana sababaha ugu waa weyn ay howlwadeenada Guddiga loogu qabto tababaro sare loogu qaadayo howlahooda shaqo.