Todobaadkii hore waxaan idiin soo gudbinay xuquuqaha muwaadinka ee doorashada. Farriinta todobaadkan waxay ku saabsantahay mas’uuliyadaha saaran muwaadinka ee la xiriira doorashada.
MAS’UULIYAD1: IS DIIWAAN-GELIN
Codeeyaha is diiwaan geliyey keliya ayaa fursadda codeynta heli kara maalinka doorashada. Dadku wey isu diiwaan gelin karaan codeeya ahaan marka ay gaaraan da’da sharcigu qabo.
MAS’UULIYAD2: CODEYNTA MAALINKA DOORASHADA
Codeyntu waa ikhtiyaari; balse qofka Soomaaliga ah waxaa mas’uuliyad ka saarantahay in uu doorashada ka qayb-qaato si uu waddanku u helo hoggan daryeela.
MAS’UULIYAD3: BARASHADA SIDA WARQADDA CODEYNTA LOO CALAAMADIYO
Codeeyayaasha waa in ay fahmaan sida ay u shaqeyso nidaamka codeynta, laga billaabo sida warqadda loo calaamadiyo illaa sida loo tiriyo codadka.
MAS’UULIYAD4: INAAD NOQOTO MUWAADIN FIR-FIRCOON
Tan micneheedu waa in aad talo ku yeelataa doorashada wakiillada gaara go’aamada saameynta ku yeesha noloshaada. Muwaadiniintu waa in ay ogaadaan arrimaha noloshooda saameynta ku leh ayna doortaan wakiillo tallaabooyinka haboon ka qaada arrimahaas.
MAS’UULIYAD5: GAARIDA GO’AAMO XOG-OGAAL AH
Codeeyayaashu waa in ay ogyihiin murashaxiinta/xisbiyada doorashada ku tartamaya ayna fahansanyihiin aragtiyadooda iyo siyaasadahooda ku aaddan arrimaha muhiimka u ah. Sababtu waxa ay tahay haddii la doorto, go’aammo ayay gaari doonaan iyaga oo ka wakiil ah dadka Soomaaliyeed.
Guuleysta!