Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

FARRIINTA TODOBAADKA XUQUUQAHA MUWAADINKA EE DOORASHADA

FARRIINTA TODOBAADKA XUQUUQAHA MUWAADINKA EE DOORASHADA

XAQ1: IN AAD XISBI FURATO AMA MID JIRA KU BIIRTO
Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu samaystoo ama ka mid noqdo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadaato hawlihiisa. Sidoo kale muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay in xisbi siyaasadeed gudihiisa looga doorto jago kasta. Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

XAQ2: IN AAD FURSAD U HESHO KA QAYB-QAADASHO DOORASHO
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee is diiwaan-gelinyay waxay xaq u leeyihiin in ay codeeyaan. Qofna lagama hor istaago karo is diiwaan-gelin iyo codeyn iyada oo la fiirinayo muuqaalkiisa, dhaqaalihiisa, lixaadkiisa, qabiilkiisa ama halka uu ka soo jeedo.

XAQ3: COD SIMAN
Codeeyayasha dhan waxa ay leeyihiin hal cod maalinka doorashada. Dadka dhan wey ka simanyihiin. Codadka lama iibsan karo lamana iibin karo, fursad codeyn oo dheeraad ahna qof lama siin karo. Tusaale, codka qofka 18 jirka wuxuu la qiima egyahay codka qof jira labanlaab da’diisa.

XAQ4: COD QARSOODI AH
Muwaadinku wuxuu u codeeya si qarsoodi ah. Qofku waxa uu ku codeeyaa meel ka qarsan dadka. Codeynta qarsoodiga ah waxay u sahashaa dadka in ay codeeyaan cabsi la’aan waxayna hoos u dhigtaa qatarta laaluushka.

XAQ5: KA QEYB-QAADASHADA DOORASHOOYIN JOOGTA AH
Doorashooyinka waa in loo qabtaa si joogta ah. Arrintan waxay ku caddahay dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qof kasta oo raba in uu galo Baarlamaanka waa in uu dadka horyimaaddaa si loo doorto.

XAQ6: IN AAD HESHO DOORASHOOYIN XOR IYO XALAAL AH
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxaa dastuurku ku waajibiniyaa in uu doorashooyin guud oo xor iyo xalaal ah waddanka ka dhaqan-geliyaan 4tii sannaba mar.