Munaasabad lagu guddoonsiinaayo Qaar ka mid ah Xisbiyo si ku meelgaar ah loo diiwaangeliyey ayaa maanta oo ay Taarikhdu tahay 31/07/2019 lagu guddoonsiiyey Magaalada Muqdisho.
Xisbiyada la guddoon siiyey shahaadooyinka waxay kala ahaayeen, Xisbiga Rajo soo Celinta Soomaaliyeed, xisbiga Tala-wadaag, Xisbiga Gurmad Iyo Xisbiga Han iyo Hannaan Qaran.
Kulanka waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismail Ibrahim, Xubnaha Guddiga ee kala ah Xuseen Cabdi Aadan, Maxamed Axmed Nuur, iyo Madaxda xafiiska diwaan gelinta xisbiyada.
Waxaa sidoo kale ka hadley labo ka mid ah xisbiyada la guddoon siiyey shahaadada ku meel gaarka ah, waxayna sheegeen inay dardar gelin doonaan howlahooda shaqo.
Ugu dambeyn waxaa hadalo dardaaran ah ka jeedisey goobta Gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismail Ibrahim
waxayna kula dardaaran tahay Xisbiyada inay u istaagaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo dhameestiran oo rasmi ah.
Afarta xisbi ee la guddoon siiyey shahaadada ayaa ka dhigaya tirada wadarta guud ee xisbiyada ee la siiyay shahaadada ku meel gaarka ah (54) Konton iyo Afar Xisbi, waxaana laga dhowrayaa haatan inay qaataan shahaadada rasmiga iyada oo looga baahan yahay in ay soo dhammaystiraan si waafaqsan shuruudaha iyo sharciga .