Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Tababarkii u socday  shaqaalaha GMDQ oo la soo xiray

Tababarkii u socday  shaqaalaha GMDQ oo la soo xiray

Tababrkii maalmahan  uga socday magaalada Muqdisha shaqaalaha uga hawlgala gobolada  Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta la soo gabagaboobay.

Mudadadii uu socday tababrka oo ahayd todobaad (8 ilaa 14kii Lulyo) waxay shaqaalaha ku barteen casharo wax weyn ka tari doona hawlahooda shaqo, waxaana casharadaasi ka mid ahaa muuqaalo ka turjumayay hannaanka ay u qabteen guddigii doorashada dalka Koonfurta Afrika , doorashooyinkii  oo ka dhacay dalkaasi  sanadkii 1994.

Waxaa kale oo ay muuqaalada ka hadlayeen oo ay shaqaalaha ka hawlgala gobolada ee GMDQ si weyn uga faa’idaysteen  hanaanka iyo qaababka khilaafaadka doorashooyinka lagu xaliyo, heerarka doorashooyinka, wareega doorashadda,nidaamka  sharcigga doorashada, asteeynta  goobaha diiwaan galinta,  wacyi galinta codbixiyayaasha, diiwaan galinta xisbiyadda siyaasadda, a, in la codeeyo, lana  tiriyo isla markaana lagu dhawaaqo natiijadda doorashadda, ka dibna la qiimeeyo sidii hawsha doorashadda loo qabto.

Waxaa si weyn loogu soo bandhigay sharciyada doorashada iyo muhiimadda ay leedahay in guddiga doorashooyinka qabanayo in ay helaan waqti ku filan oo ay ku hawlgalaan iyada la bilaabayo arrimaha saldhigga u ah doorashooyinka sida diiwaangelinta xisbiga,  diiwaangalinta codbixyayaasha, , hubinta qofka sharcigga u leh in la diiwaan galiyo, hubinta tiradda codbixiyayaasha, in loo qoondeeyo agabkii lagu diiwaan galin lahaa, in la aqoonsado tirada goob walba laga diiwaan galin karo iyo la helo xarumaha diiwaan galinta,  goobta codbixinta,  in la diiwaan galiyo  diiwaangaliyayaasha iyo sidii la isugu xiri lahaa gaadiidka iyo saadka xarunta GMDQ iyo xarumaha GMDQ ee Dawlad Goboleedyadda, Himillada, hanaanka lagu gaarayo, istiraajiyada, qorshayaasha, anshaxa, iyo ujeedooyinka lagu gaari lahaa in GMDQ dhisto sidii lagu heli lahaa kalsoonida iyo aaminaada bulshadda si aan u gaarsiino doorasho xor iyo xalaal ah.

Tababrkan waxaa kaalin weyn ka qaatay aqoonyahano, la-taliyayaal iyo agaasimayaasha GMDQ, waxaana soo agaasimey waaxda howlgalka iyo waxbarida doorashooyinka ee GMDQ, IESG  iyo (BUILT) ee mashruuca Creative

Gabagabada tababarka waxaa hadalo dhiiragelin iyo gubaabo ah ku soo xeray xubin ka mid ah Guddiga ahna ku simaha Gudoomiyaha Guddiga, Sacid Xashi Warsame oo kula dardaarmey shaqaalaha Guddiga inay daacad ka noqdaan shaqada loo idmey, iyo inay dalkooda ka saaraan nidaamka doorashada qabaailka ah ee 4.5, loona gudbo doorashooyin  xalaal ah oo cod iyo qof ah oo lagu wado in ay ka laga qabto Soomaliya sanadka 2020.

Madasha xiritaanka tababarka waxaa ku-simaha ku weheliyay xubno ka tirsan GMDQ o ay ka mid ahaayeen komishaneerada marwo Khadiija Cosoble Cali, Maxamed Daahir Maxamed, Maxamed Axmed Nuur iyo xoghayaha guud ee  GMDQ mudane Cabdirisaaq Bashiir Maxamed.