Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Tababarka uga socda shaqaalaha ka hawlgala gobolada ayaa maanta galay maalintii afraad

Tababarka uga socda shaqaalaha ka hawlgala gobolada ayaa maanta galay maalintii afraad

Waxaa wali socda casharada iyo tusaalaynka cilmigga doorashadda la sinayay shaqaalaha cusub ee GMDQ.
Maanta waxaa xoogga la saaray sharcigga iyo xalinta khilaafaadka la xiriira hanaanka iyo geedi-socodka doorashadda.
Ugu horaynba, waxaa ka soo qabygalyaashu daawadeen muuqaal laga soo duubay South Africa, oo uu hogaamiyihii guddiga doorashooyinka ee South Afrika ee 1994, Judge, Kerringer ku sharaxayo khibradiisii iyo sidii ay u qabteen doorashadaas iyo wadamo kale oo uu la taliye ahaan ula soo shaqeeyay.
Daawashadaasi, waxay kordhisay dhiirinaanta shaqaalaha iyo guddiga iyo inay u diyaargaroobaan hawl aan cid kale loo idman. Waxuu xusay in Guddigu u baahan yahay inuu dhiso kalsoonsidda bulshadda Soomaaliyeed iyo GMDQ ka dhaxaysa; In lagu dhiirado geedisocodka Doorashooyin oo aysan dib idiin dhigin ismaa-dhaafka siyaasadeed ee siyaasiinta, in dadka uu u cad yahay wax walba oo GMDQ qabanayso: iyo ugu danbayn, in dadku qiimayn doonaan natiijadda Guddiga Doorashada ay horseedka ka ahaayeen oo shacabka Soomaaliyeed siisay inay doortaan hogaamiyahooda.
Sidoo kale, waxaa chashar mug leh oo hanaanka iyo qaababka khilaafaadka doorashooyinka lagu xaliyo soo jeediyay Mustafe Macalim. Casharku waxuu qaadaa dhigay heerarka khilaafaadka iyo shuruucda EDR oo looga hortago khilaafka doorashada, khilaafyada ka dhaca doorashadda socodkeeda, iyo natiijadda.
Ugu danbayn, Maxamed Maxamud Xasan , oo ah ku-xigeenka Xafiiska Diiwaangalinta Xisbiyadda ayaa ku soo gababeeyay sharaxaad Xisbiyadda iyo hagidooada. Waxuuna xusay shuruudaha lagu diiwaan galiyo Xisbiyadda aan ku meel-gaarka ahayn iyo sidii ay uga gudbi lahaayeen ku meel-gaarnmadda.