Xoghayaha guud ee GMDQ Mudane Cabdirisaaq Bashiir ayaa maanta ka qayb galay kulan ay ku lahaayeen Ururada Bulshada Rayidka Magaalada Muqdisha.
Kulankan waxa uu qayb ka ahaa iska warhaynta guddiga iyo Ururada Bulshada Rayidka gaar ahaan la socodka heerka u diyaar garawga hawlaha doorashooyinka iyada oo Ururada Bulshada Rayidka ay door muhiim ah kaga jiraan wacyi gelinta bulshada.
Mudane Cabdirisaaq Bashiir waxa uu si gun hoose ah uu uga waramay Ururada Bulshada Rayidka ah hawlaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka halka ay marayaan, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin la kulanka howlwadeennada GMDQ oo ay wax ka ogaadaan habka ama shuruucda lagu hagayo doorashooyinka lagu wado in ay Soomaaliya ka dhacaaan sanadka 2020ka.
Xoghayuhu waxa uu faafaahin buuxda ka bixiyay qaab- wareegga doorashooyinka ( Electoral Cycle). “Doorashada qof iyo cod waa mid ka saari doonta shacabka Soomaalida dhibaatooyin fara badan” ayuu yiri xoghayuhu, waxaa kale oo uu ku booriyay in ay si buuxda u taageeraan GMDQ si uu guddigu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Ururada madasha shirka fadhiyay ayaa su’aalo xoghayaha ka weydiiyay habka ay doorashooyinka u suuragalayaan sanadka 2020 haddii uu dib u dhaco ansixinta sharciga doorashooyinka oo hadda Barlamanka horyaala.
Mudane Cabdirisaaq waxa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in xildhibaanada golaha shacabka ay dedejiyaan meel marinta sharciga doorashooyinka si uu GMDQ ugu fududaato in ay waqti ku filan u helaan qabashada doorashooyinka iyada oo guddiga farsamo ahaan hawlahoodu diyaar yihiin.
“Dhamaystirka barnaamijyada wacyi gelinta bulshada ah iyo u diyaar garawga buuxa ee doorashooyinka ayaa nooga xiran ansixinta sharciga doorashooyinka ee horyaal Golaha shacabka” ayuu yiri xoghayuhu.
Guddiga Madaxa Bannaan waa guddi farsamo oo aan wax siyaasad ah ku lug lahayn, wuxuun dastuuriyan u xil saaran yahay in uu qabto doorashooyin madax bannaan oo xor ah iyo xalaal ah sanadka 2020.