Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wajiga sedaxaad  ee tababar u socda shaqaalaha Guddiga

Wajiga sedaxaad  ee tababar u socda shaqaalaha Guddiga

Maanta oo ay taariikhdu tahay  10kii bisha luulyo,2019, waxaa magaalada Muqdisho wali ka socda tababaradda  loogu talogalay shaqaalaha cusub ee ka hawlagala xarumaha GMDQ ee dawlad goboleedyadda iyo shaqaalaha aan joogtadda ahayn.

Tababaradan ayaa loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta doorasho ee shaqaalaha Guddiga, oo ah  ujeedooyinka ugu waa weyn uu Guddigu u taagan xoojiso aqoonta doorasho ee shaqaalaha GMDQ.

Tababarka waxaa  diirada lagu saarey waajibaadka iyo awoodaha shaqo ee waaxda wacyigelinta iyo waxbaraida dadweynaha oo ka kooban  (3) sedax  waaxood ee kala ah, waaxda waxbarida dadweynaha, waaxda iskaashiga iyo waaxda xariirka iyo warbaahinta.

Agaasimaha waaxda Farxiyo Maxamed Yuusuf  waxay  sharaxaad iyo faalo dheer ah ka bixisey howlaha waaxda, waxqabadka waaxda iyo  guulaha uu ku talaabsadey waaxda wacyigelinta iyo waxbarida dadweynaha.

Sidoo kale maamule walbo oo waaxyada  wacyigelinta iyo waxbarida dadweynaha ka tirsan ayaa iyagana sharaxaad ka bixiyey  waajibaadyadooda shaqo iyo sida ay uga gudbaan caqabadaha ka horyimaada xilliyada ay ku guda jiraan howlahooda shaqo, iyo habka ay bulshada u gaarsiiyaan fariimaha doorashooyinka.

Dhinaca kale lataliye Axmed Yusuf iyo Shalva ayaa ka Hadley hannaanka doorashada, qaabka qeybinta kuraasta, iyo nidaamka loo sameeyo degaan doorashada iyo xuduudaha, iyo habka soo jeedinta sharciyada doorashada. Sidoo kale, Mr Shalva wuxuu soo qaabtey wadamo uu ka qabsoomey doorasho kuwaasoo ku guuleestey in dalalkooda ay gaarsiiyaan nidaamka doorasho cod iyo qof