Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wajiga labaad ee tababar u socda shaqaalaha Guddiga

Wajiga labaad ee tababar u socda shaqaalaha Guddiga

Maanta oo ay taariikhdu tahay  9kii bisha luulyo,2019, waxaa magaalada Muqdisho wali ka socda tababaradda  loogu talogalay shaqaalaha cusub ee ka hawlagala xarumaha GMDQ ee dawlad goboleedyadda iyo shaqaalaha aan joogtadda ahayn. tabaradaas ayaa ku saleysnaa wareega doorashadda (Electoral cycle).

 

khubaradda cashirada ka soo jeediyey tababarka waxaa ka mid aheyd Marwo Tomsie Dlamini oo ah xubin ka mid ah  qaybta horumarinta aqoonta doorashooyinka ee IESG. Waxaa ay sharaxaad ka bixisay heerarka doorashooyinka wareega doorashadda inuu ka bilowday maalintii la aasaasay GMDQ, waxaa ku xiga in la dajiyo sharcigga doorashadda lana dhamaystiro, in la asteeyo goobaha diiwaan galinta, in la wacyi galiyo codbixiyayaasha, in la diiwaan galiyo xisbiyadda siyaasadda,in la diiwaan galiyo codeeyayaasha, in la codeeyo, lana  tiriyo isla markaana lagu dhawaaqo natiijadda doorashadda, ka dibna la qiimeeyo sidii hawsha doorashadda loo qabtay lana bilaabo qorshihii lagu qaban lahaa doorashada soo socota  (4) afar sano ka dib. Casharkaas waxaa lagu bartay inaysan shaqadda doorashadu marna istaagin.

Mudane C/rizaq Bashir Maxamed , oo ah Xoghayaha guud ee GMDQ, ayaa qaadaa dhigay fulinta hawshan ee doorashadda iyo sida aan ugu baahanahay in la wada shaqeeyo. Xiriirka, wadashaqaynta, wadatashiga, iyo isku dulqaadashadda ayuu ku tilmaamay inay wado sax u noqon karto in  Guddiga uu ku guulaysto.

Mudane Ismaaciil Yasin Maxamed  oo ah Agaasimaha  hawlgaladda doorashooyinka ee GMDQ, waxuu qaadaa dhigay muhiimadda diiwaangalinta codbixyayaasha. Agaasimhu waxuu ku soo koobay muhiimadda diiwaan galinta, hubinta qofka sharcigga u leh in la diiwaan galiyo, hubinta tiradda codbixiyayaasha, in loo qoondeeyo agabkii lagu diiwaan galin lahaa, in la aqoosado tirada goob walba laga diiwaan galin karo iyo la helo xarumaha diiwaan galinta ayadoo noqon kara goobta codbixinta. Xarumahaas waxaa lagu xaqiijin doonaa hadba sida amnigoodu noqdo, iyo in dhamaan dadku imaan karaan goobta si ay  ugu  fududaato dadka caawinta gaarka ah u baahan

Ugu danbayn,   Mudane Ismaciil Iyo Emmanuel oo ah agaasimaha gaadiidka iyo saadka IESG, waxay falanqeeyeen habka  saadka iyo gaadiidka  looga baahan yahay  in la diiwaan galiyo  diiwaangaliyayaasha iyo sidii la isugu xiri lahaa gaadiidka iyo saadka xarunta GMDQ iyo xarumaha GMDQ ee Dawlad Goboleedyadda.

 

.