Maanta oo ay taariikhdu tahay 8da bisha luulyo, 2019, waxaa tababar aqooneed uga furmay Magaalada Muqdsho shaqaalaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ( GMDQ).
Tababarkaan ayaa soconaya illaa 14ka Luulyo, 2019. Waxaana tababarka bixin doona aqoonyahano, la-taliyayaal iyo agaasimayaasha GMDQ.
GMDQ ayaa qaatay shaqaalo ka badan 41 hawladeen, la-taliyayaal iyo shaqaalo aan joogto ahayn (5 bilood) Shanti billood ee ugu dambaysay. Hadaba si shaqaalahaasi cusub qayb uga noqdaan in GMDQ ay fuliso istiraajiyadeeda 2017 ilaa 2021, waxaa lama huraan noqotay in shaqaalaha cusubi helaan aqoon iyo xirfad. Sidoo kale GMDQ, ayaa uga gol leh tababarkaan in shaqaalaha cusubi bartaan himmiladda, yididiilada iyo anshaxa shaqo ee ay GMDQ ku hawl gasho.
Sida caadada noo ahayd waxaa lagu furay tababarka Quraanka kariimka, ka dibna Komishinaar Siciid Xaashi Warsame ahna ku simaha Gudoomiyaha GMDQ, ayaa shirka si rasmiah u furay. Mudane Siciid waxuu ku dheeraaday aasaakii GMDQ iyo taariikhdii ay soo martay iyo horurmarka ay ku talaabsatay (5 sano) shanti sano ee ay jirtay.
Sidoo kale, waxuu Komishinar Siciid xusay in shaqaalahu GMDQ ay aad u bateen ayna muhiin ka dhigtay in tababarkaan la qabto, waxuuna shaqaalaha u rajeeyay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan aqoonta iyo khibradda.
Sidoo kale, Dr Xassan Xaji, oo ah La-taliye GMDQ, waxaa uu sharaxaad dheer ka bixiyay Himillada, hanaanka lagu gaarayo, istiraajiyadda, qorshayaasha, anshaxa, iyo ujeedooyinka lagu gaari lahaa in GMDQ dhisto sidii lagu heli lahaa kalsoonida iyo aaminaada bulshadda si aan u gaarsiino doorasho xor iyo xalaal ah.
Ka dibna Agaasimayaasha ayaa si is-barid iyo sharaxaad ah ku sameeyay hawlahooda iyo maareeyayaasha qeyb walba oo GMDQ ka mid ah.
Ugu danbayna Xoghayaha Guud ayaa ku dheeraaday istiraajiyadda GMDQ iyo sida ay muhiim u tahay in dhamaan si wadajir loogu istaago sidii looga dhabayn lahaa in la gaaro himillada GMDQ oo ah qabashada doorasho cod iyo qof ah ee 2020.ka dibna Maria, oo ah ku xigeenka madaxa IESG ee Soomaaliya iyo Rudolf Elbling, oo ka socday Creative, oo labaduba taageera GMDQ sidii ay hawlahooda doorashada u qabsan lahayd ayaa xusay tageeradoodii joogtada ahayd iyo sida ay wali ugu diyaar yihiin dhinac farsamo iyo dhinac dhaqaaleba inay taakulayn iyo talobixinba la garab taagan yihiin GMDQ. Waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda wadajika iyo in la iska kaashado inay ka miro dhaliyaan doorashadda 2020ka Soomaaliya.
Sida qorshaha tababarku asteeyay, Cabdinasir Maxamed Xirsi , oo ah Agaasimaha waaxda sharciyadda GMDQ, ayaa soo jeediyay cashar sharciyadda doorashada, habraacyada, siyaasadda, iyo xeer-nidaamiyaasha loo baahan yahay si doorasho loo qabto kuwaasoo ay mid yihiin,xeernidaamiyaha xallinta khilaafaadka, xeernidaamiyaha maaliyadda xisbiyadda ama xeer-nidaamiyaha maamulka doorashooyinka.
Annetta iyo Shalva, oo ah aqoondheerayaal sharci doorasho ayaa soo bandhigay cashar sharciyadda doorashooyinka ku saabsan. Waxay si guud iyo si tusaalaynba u taabteen muhiimadda ay leedahay in shuruucdii doorashooyinka la sii qoro, lana sii ansixiyo, laguna dhaqmo si ay GMDQ ugu suuro galiso inay fuliso doorasho sharcigga waafaqsan.