Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Xafiiska Horumarinta Shuruucda GMDQ oo  La shiray Guddiga Amnigga iyo Arrimaha Guddaha ee Aqalka shacabka DFS 7dii Luulyo 2019.

Xafiiska Horumarinta Shuruucda GMDQ oo  La shiray Guddiga Amnigga iyo Arrimaha Guddaha ee Aqalka shacabka DFS 7dii Luulyo 2019.

Waxaa Xafiiska Horumarinta Shuruucda GMDQ shir wadatashi ah la qaatay Guddiga Amnigga iyo Arimaha Guddaha ee Aqalka Shacabka DFS. Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd in Xafiiska Horumarinta Shuruucda GMDQ uu la wadaago Guddiga Amnigga iyo Arimaha Gudaha cilmibaaris kooban oo uu ka sameeyay saamaynta uu sharcigga doorashooyinku ku yeelan karo  waajibaadyadda uu dastuurku u idmaday GMDQ.

Shirka waxaa GMDQ uga qayb galay xubnaha Guddiga oo  kala ah Khadiijo Cosoble Cali, Maxamed Dahir Maxamed iyo Siciid Xaashi Warsame, Waxaa kaloo kulanka ku wehliyay la-tliyaasadda sharcigga iyo siyaasaddda, Cali Xareed iyo Mustafa Xassan Macalim

Dhinaca kale, 20kii bishii Maajo 2019kii, ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFS u gudbiyay Sharcigga Doorashooyinka Aqalka shacabka ee DFS. Afhayeenka aqalka, markii uu gudoomay sharcigga ayuu ka codsaday Guddiga Amnigga iyo Arimaha Gudduhu inay si gooni ah uga soo doodaan sida uu sharcigani u waafaqsan yahay Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya inta aan loo furin dood gollaha shacabka.

Sidoo kale, GMDQ ayaa 24kii Maajo 2019kii u xilsaartay guddi sharciyaqaano ah inay cilmibaaris ka sameeyaan qodobadda ka hor imaan kara qodobkii lagu dhisay GMDQ (111G). Qodobka 111G waxuu uu siinayaa GMDQ madaxabanaan waajibaad oo ay Soomaaliya uga qaban karaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, taasoo ku aadan waqtiga uu dhamaanayo xilli waqtiyeedka baarlamaanka iminka jira.

Dood dheer iyo falanqayn ka dib, GMDQ waxuu u soo jeediyay Guddiga Amnigga tallooyin muhiim ah si looga dhigo sharcigga doorashada mid la jaanqaadi kara qodobkii lagu unkay GMDQ.

Ugu danbayn, waxaa lagu ballamay in si hoose oo wadajir looga wada shaqeeyo siddii uu sharcigga doorashooyinku u noqon lahaa mid u adeegaya danaha umadda Soomaaliyeed si ay u doortaan hogaamiyahooda.