Xubno ka tirsan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska diiwaangelinta ee GDMQ ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 7da bisha Luulyo 2019, waxay kormeer u kuurgalid ah ku tageen xafiisyada xisbiyadda siyaasadda soda Xisbiga Horumarinta, Xisbiga Isbahaysiga Isbadeldoonka Soomaliyeed, Xisbiga Sinnaanta Midnimada iyo Nabadda iyo Xisbiga Qiimo Qaran.
Xafiisku waxaa uu mid mid u hubiyay jiritaanka xafiisyadda iyo hawlgaladooda.
Kormeerka waxaa hogaaminayay Komishan Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir waxaana ku wheliyay Diiwaangeliyaha Xafiiska Maxamed Cumar (Haydara), kormeerayaasha waxaa kale oo ka mid ah agaasimaha diiwaagalinta xisbiyada Maxamed Maxamud Xasan ( Sandheere ), la-taiyaha hawgaladda, Axmed Xassan iyo Cabdinasir Maxamed Xirsi oo ah agaasimaha waaxda sharciyada oo dhammaantood ka tirsan GMDQ.
Arimaha uu xafiisku diiradda saarayay waxaa ka mid ahaa, lahaanshaha xafiis gooni u ah xisbigga, hubinta diiwaanka xubnaha xisbigga, jiritaanka shuruucdii xisbigga, hab-dhismeedka maamulka ee xisbigga iyo in tiradii dumarku ku jiraan, inuu jiro diiwaanka dakhliga iyo kharash garaynta iyo hubinta in xisbigu leeyahay shaqaale joogto iyo agabkii ay ku hawl gali lahaayeen.
Kormeerkan ma ahan kii ugu horeeysay ee uu Xafiiska diiwaangelinta Xisbiyadu ku sameeyo xarumaha axsaabta ,horey waxaa uu u kormeeray in ka badan 26 xisbi oo si ku ku meel gaar ah u diiwaan gashan, waxaana u qorshaysan Xafiiska inuu ku dhamaysitiro qaybta koowaad ee kormeerkiisa illaa dhamaadka Agoosto 2019ka.
Xafiisku waxuu uu kormeerka ka dib siiyay xisbiyadda tallooyinkii ugu haboonaa oo ku aadan meelaha u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si ay xisbiyadu uga baxaan ku-meel gaarnimada.