Xafiiska howlgalka iyo waxbarida doorashooyinka ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa tababar maalinta Isniinta ah oo ay bishu tahay 8da Lulyo uga furi doono magaalada Muqdisha shaqaale ka hawlgala gobolada oo ka tirsan GMDQ.
Tababrkan oo ah mid sare loogu qaadayo xirfadaha aqooneed iyo sidii ay u hormarin lahaayeen hawlaha doorashooyinka ay ka hayaan gobolada ay ka yimaadeen , waxa uu tababarkan socon doonaa muddo todobaad ah.
Inta uu socdo tababrka waxaa casharadana si wadajir ah u wada bixin doono hay’adaha NIEC, IESG, iyo Creative oo guddiga doorashada madaxabannaan gacan ka siiya hawlaha doorashooyinka lagu wado in ay Soomaliya ka qabsoomaan sanadka 2020, waxaa kale oo tababarkan casharo ka bixin doona khubaro Soomaali ah oo ka socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).
Ujeedada ugu weyn ee tababarkan waxaa weeye in shaqaalaha u shaqeeya hay’adda ay helaan aqoon ku filan oo ay ku meel mariyaan hawlaha doorashada iyada oo mar walba Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ay ka shaqeeyaan in shaqaalaha la shaqeeya mar walba lala socodsiiyo hadba waxa ku soo kordha Guddiga ee la xiriira hawlaha Doorashooyinka.