XUQUUQDA IYO WAAJIBAADKA MUWAADINKA
Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay leeyihiin xuquuq uu dammaanad qaadayo Dastuurka dalka iyo sharciyada kalaba. Sidoo kale Dastuurku wuxuu muwaadinka saarayaa waajibaad iyo mas’uuliyado ay tahay inuu ka soo baxo si uu xuquuqahaas u helo.
Farriinta todobaadkan waxaan kuugu soo gudbineynaa muwaadin, qeyb ka mid ah xuquuqahaaga dastuuriga ah. Marka koowaad waa maxay xaq?
Xaqu waa mudnaan ama xorriyad ay tahay in la ilaaliyo.
Ogowna xuquuqda la iskama helo! Tan micneheedu waxay tahay muwaadiniintu waa iney u dadaalaan una doodaan helidda xuquuqdooda.
Tusaale: Xaqa cod-bixinta ee haweenka. Hadda haweenku fursadda codeynta waa helaan si la mid ah ragga. Balse tani kuma aysan imaan si fudud! Haddii taariikhda dib loogu laabto muddo wax yar ka badan hal qarni, haweenku fursadda codeynta ma heli jirn.
Dadaal iyo olole fara badan ka dib xuquuqdaas haweenku waa soo dhacsadeen. Casharka ku jira ayaa ah xuquuq aan loo dadaalin la iskama helo.
Dastuurka dalkeennu waxa uu leeyahay cutub dhan oo ku saabsan xuquuqaha iyo waajibaadka muwaadinka.
Cutubkaas oo ah kan 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda, Xuquuqaha ku cad waxaa ka mid ah:
• Sharafta Aadanaha: Aadanaha Alle ayaa sharfay sharaftiisana waa in la dhowraa
• Sinnaanta muwaadiniinta: Muwaadiniinta sharciga hortiisa waa simanyihiin.
• Xaqa isu imaatinka, sameysashada ama ku biiridda ururada sida xisbiyada siyaasadda
• Xorriyadda hadalka
• Xaqa ka qeyb galka siyaasadda
• Xaqa sameysashada ama ku biiridda xisbi siyaasadeed
• Xaqa in la doorto ama uu wax doorto
• Xaqa waxbarashada
• Xaqa xogta
• Xaqa garsoorka iyo maxkamadaha
Todobaadka danbe la soco xuquuqahaaga sida tooska ah ula xiriira doorashada.
Dastuurka waddankeenna kala deg lifaaqan:
Guuleysta!