Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   [email protected] | Media Contact +252 612868294  

Xog is weydaarsi ku saabsan khibradaha sugidda Amniga Doorashooyinka Xisbiyada Badan 

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinnka Qaranka oo kaashanaya ururka midowga afrika ayaa soo qaban qaabiyay xog iswaydaarsi ku saabsan khibradaha sugidda amniga doorashooyinka oo lagu qabtay Magalada Kampala ee Dalka Uganda.
Kulankan oo ay daadihinayaan khubaro ku xeel dheer qalaalasaha doorashooyinka wadamada ka soo kabanaya colaadaha ama ay ka jiraan qatarka xagjirnimadu sida Somalia, Afqanistan, libiya iyo waddama kale ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda iyo masuuliyiinta kala hogaaminaya laamaha amniga ee dalka.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Marwo; Halima Ismail Ibrahim oo kulanka ka hadashay ayaa xustay muhimmada uu leeyahay kulankan oo socon doona muddo afar cisho ah iyada oo la filayo inay ka soo baxaan talooyinka horseedi doona sidii loo midayn lahaa awoodda iyo cududda aan haysano si loo sugo howlgalka doorashooyinka sannadka 2020.

Guddoomiyaha guddiga ayaa ugu baaqday madaxda qaranka iyo bulshada somaliyeed inay guddiga ku garab istaagaan ka dhabaynta himiladda umada somaliyeed ee ah in ay mar uun ka baxaan nidaamka wax ku qaybsiga beelaha loona gudbo tartan furan oo ku dhisan hannaanka axsaabta.