Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kulanka Guddiga iyo Hay’addaha Daneeyeyaasha Arrimaha Doorashooyinka

Kulanka Guddiga iyo Hay’addaha Daneeyeyaasha Arrimaha Doorashooyinka

Taariikhdu markey aheyd 10/06/2019 Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Qaranka waxay kulan is xogwareysi ah la qaateen daneeyayaasha caalimiga ah ee tageera Doorashooyinka. kulankan ayaa diirada lagu saarayay heerka diyaargarawga doorashada 2020ka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xalima Ismacil oo shirka furtay ayaa sheegtay in Guddigu qaatey talaabooyin muhiim ah oo loogu diyaargaroobayo doorashada sida, cayimida xarumaha lagu diiwangalinayo codbixiyeyaasha oo laga bilaabay dalka. wadatashiyo Guddigu kala yeeshay qaybaha bulshada iyo dawalad goboleedyada hanaanka fulinta wacyigalinta codbixiyeyaasha iyo diiwaangalinta xisbiyada siyaasadeed.
Dhinaca kale Gudoomiye Xaliimo ayaa sheegtay in hawlo badan oo Guddigu qaban lahaa ay hakad ugu jiraan sharciga doorashada oo hada horyaala Golaha Shacabka.
Xubnihii beesha caalamka ee shirka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan horumarada Guddigu ka sameeyay hawlaha u diyaargarowga doorashada 2020.