Ma ogtahay muwaadin in dalkeenna ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020ka?
Doorashadaas oo fursad kuu siin doonta inaad ka qeyb gasho, cod iyo ra’yina ku yeelato talada dalka?
Ma ogtahay in codkaagu uu go’aamin doono cidda qabaneysa hoggaanka dalka?
2020 dalku waxa uu geli doonaa doorasho ay musharaxiin iyo xisbiyo ku tartamaan codkaaga.
Innaga oo uga mahad celineyna odayaasha dhaqanka dadaalkooda iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dib u unkidda dowladnimada Soomaaliya, haddana waa in aan nidaamka qabaliga ah ka gudubno oo dadka Soomaaliyeed xuquuqdooda doorasho gacantooda lagu soo celiyo.
2020ka muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay fursad u heli doonaan in ay codkooda ku doortaan dadka ku matali doona xukunta dalka.
Doorashadaas qorsheysan 2020ka waxaa u xil-saaran oo noo abaabuli doonaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ.)
Guddigu waxa uu hadda wadaa diyaarinta qorshayaashii ay ku suurta geli lahayd doorashooyin guud oo xor iyo xalaal ah oo ka dhacda waddanka 2020ka.
MUHIIMADDA DOORASHADA 2020KA:
Doorashadu Waxay u saamaxdaa muwaadiniinta inay doortaan dawladooda. Waxay sidoo kale u oggolaaneysaa dadka inay doortaan wakiilladooda dawladda.
Ujeedada dowlad kasta waa in ay dejiso oo hirgeliso siyaasado kala duwan oo faa’iida u leh muwaadiniinta.
Doorashadu waa habka lagu muujiyo ra’yiga muwaadiniinta ee waddan dimoqraadi ah.
Doorashada 2020 waa muhiim sababta oo ah:
• Waxaan uga gudbeynaa nidaamka dowladda qabyaaladdu saldhiga u tahay
• Dadweynaha oo helaya fursad ay ku xushaan cidda ay rabaan iney wakiil uga noqoto talada dalka
• Waxay abuurtaa dareen lahaansho iyo mid waddaninimo
• Waxay fursad ay ku tartamaan siineysaa muwaadiniinta mudan ee kartida huggaamineed leh
• Waxay sharciyad xooggan siisaa dowladda
• Waxaa ku yimaadda hoggaamiyayaal ka shaqeeya danta dalka iyo dadkii doortay