Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka GMDQ ayaa 18/5/2019 kulan la qaatay maamulka Gobolka Benaadir,

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka GMDQ ayaa 18/5/2019  kulan la qaatay maamulka Gobolka Benaadir,

kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen inta badan gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka ayaa waxaa looga hadlay hawlaha asteynta xarumaha diiwangalinta codbixiyaha.
GMDQ ayaa goobta kusoo bandhigay hawlaha mudanaanta leh ee ku aadan cayimida xarumaha diiwangalinta codbixiyaha taasoo Guddigu ka codsaday maamulka gobolka iyo degmooyinka inay wadashaqeyn dhaw kala yeeshaan.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Benaadir ahna kusimaha Gudoomiyaha Gobolka iyo duqa caasimada mudane Xuseen Maxamed Nuur aya sheegay in ay soo dhaweynayaan geedi socodka dalka looga hirgalinayo doorashooyin guud islamarkaana ay diyaar u yihiin ka maamul ahaan inay wadashaqeyn iyo tageeroba siiyaan Guddiga Doorashoyinka.
Guddoomiyaha GMDQ Marwo Xaliima Ismaaciil ayaa kulanka ka sheegtay in Guddigu sanadkaan xooga saarayo dardargalinta hawlaha farsamo ee loogu diyaargaroobayo doorashada 2020 loona baahanyahay in dhamaan maamulada dalka ka jira ay Guddiga gacan kusiiyaan fududeynta hawlaha shaqo ee uu Guddigu qabanayo.