Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Guddiga oo kulan la qaatey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland

Guddiga oo kulan la qaatey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland

Xubno ka tirsan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kala Guddoomiyaha iyo laba xubnood oo ka tirsan guddiga iyo masuuliyiin kale oo safar shaqo ugu sugan Puntland ayaa maanta oo taarikhdu tahay

07/05/2019 kulan la qaatay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland M.ne Axmed Cilmi Cisman(Karaash). Madaxweyne ku-xigenka ayaa uga mahadceliyay guddiga booqashada Puntland iyo hiigsiga doorasho ee ay u hayaan umada somaaliyeed. Madaxweynuhu wuxuu guddiga ka aqbalay in ay kulan yeeshaan Guddiga iyo Madaxda Puntland si la isula meel dhigo wixii dadka iyo dalka dan ugu jirto.