Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

7 Xisbi oo  la gudoonsiiyey shahaadada  kumeelgaarka ah

7 Xisbi oo  la gudoonsiiyey shahaadada  kumeelgaarka ah

Maanta 04 MAY 2019, Xarunta Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran (GMDQ) ayaa lagu gudoonsiiyey shahaadada ku-meelgaarka ah 7 (todobo) xisbi siyaasadeed, waxayna kala yihiin:
1. Xisbiga Nabada Dimoqraadiyada iyo Midnimada,
2. Xisbiga Dhalinyarada Qaranka,
3. Xisbiga Haldoor,
4. Xisbiga isbahaysiga Qaranka Somaliyeed,
5. Xisbiga Awoodda Shacabka,
6. Xisbiga Nabadda iyo Cadaaladda
7. Xisbiga Daryeel Qaran
GMDQ oo horey u diiwaan galiyay shahaadooyin na u gudoonsiiyey 43xisbi sayaasadeed ayaa waxay noqonayaan tirada xisbiyada siyaasada ee haysta shahaadada KMG ah 50xisbi siyaasadeed.
Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliima Ismaaciil ayaa ka hadashay goobta taasoo u mahadcelisay kadibna dhiira galisay xisbiyada siyaada ee isku diyaarinaayo inay ka qaybqaataan doorashada 2020 ee qof iyo cod ka ah, waxayna bartay ka soo qaybgalayaasha dhamaan tood diiwaan galiyaha xisbiyada siyaasada ee dhawaanahan loo qaatay kana shaqa galay xafiiska diiwaan galinta xisbiyada ee GMDQ Md. MAXAMED CUMAR AXMED XAYDARA.