Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

sedax xildhibaan oo la gudoonsiiyey shahaadada xildhibaanimo

sedax  xildhibaan oo la gudoonsiiyey shahaadada xildhibaanimo

Maanta oo taariikhdu tahay 2-da May 2019 waxa uu Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu shahaada  xildhibaannimo Gudoonsiiyay sedax  mudane oo kamid mudanayaashii kusoo baxay Tartankii xildhibaanimo ee deegaan doorashadiisu ahayd Magaalada Baydhabo, GMDQ ayaana asbuucii lasoo dhaafay doorashada Boos-Booxin ah ka soo qabtay Magaalada Baydhabo waxaana doorashadaas kusoo guulaystay Saddex mudane. kuwaas oo sugayay qaadashada shahaadada iyo dhaarta dastuuriga ah ee Barlamaanka hortiisa. Hadaba GMDQ waxa uu maanta Gudoosiiyay shahaadooyinkii Xildhibaanimo sedaxda  Mudane ee Kala ah
1. Xildhibaan Cali Sh. Cabdullahi
2. Xildhibaan Nuur Siidow Baaba Xassan

3 Xildhibaan Cali Cadow Maxamed

Mudanayaashaan ayaana mari doona malmaha soo aadan dhartoodii dastuuriga ahayd.