Xarunta Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa kusoo gabagaboobay shir socday laba maalin 25-26 May 2019.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa Wadatashiga Xeer-nidaamiyaha wacyigelinta Codbixiyaha, wadatashigan waxaa ka qeyb qaatey dhamaan ururada bulshada rayidka ee aan dowliga eheen iyo hay’adaha caalamiga ee daneeya arrimaha doorashooyinka.
Sidoo kale ka qeybgalayaashu waxay soo jeediyeen fikrado u baahan in lagu kordhiyo hannaanka dhaqan-galinta xeer nidaamiyaha codbixiyaha ee maalintii koowaad loo qeybiyey qabyo qoraal ku saabsan xeer-nidaamiyaha codbixiyaha. waxayna ka qeybgalayaalku soo jeediyeen tallooyiin wax ku ool u ah xeer-nidaamiyaha wacyigelinta codbixiyaha.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in ka qeybgalayaalku ay su’aalo iyo talooyin muhiim ah la wadaageen waaxaha wacyigelinta, sharciyada iyo lataliyayaasha.
Gabagabadii wadatashiga waxaa hadalo iyo dardaaran soo jeediyey lataliye Cali Xareed una mahadceliyey ka qeybgalayaalka, wuxuuna u balanqaadey in lala wadaagi doono qabyo qoraalka marka uu soo baxo.
Tallo wadaaga xeer-nidaamiyaha wacygalinta codbixiyaha ayaa ahaan doono barnaamij loogu tala galey in guud ahaan dalkoo dhan lawada gaarsiiyo.