Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Xeer-nidaamiyaha Wacygalinta Codbiyaha

Xeer-nidaamiyaha Wacygalinta Codbiyaha

Xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaran (GMDQ) ayaa maanta 25/05/2019 ka bilowdey shir wadatashi ku saabsan Xeer-nidaamiyaha wacyigalinta codbixiyaha, shirkan ay kasoo qayb galeen dhamaan ururada bulshada ee aan dowliga eheen iyo hay’adaha caalamiga ee daneeya arimaha doorashooyinka.
Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliimo Ismail ayaa furtay shirkan iyadoo ka hadashay ujeedka shirka.
Kulankaan wadatashiga oo socondoona 25-26 May 2019 waxa ay tahay ujeedada uu Guddigu ka leeyahay: –
• In ururada iyo Dallahada ururada bulshadu ay ku midaysan yihiin loo bandhigo xeer-nidaamiyaha Wacygalinta Codbiyaha
• In latashi uu Guddigu galiyo xeer-nidaamiyaha uu diyaariyay si ay Ururada Bulshada rayidka ah ay ugu daraan ama uga dhimaan fikirada ku haboon xeer-nidaamiyaha Wacygalinta Codbiyaha
• In ay helaan fahan wanaagsan oo ku aadan hannaanka dhaqan-galinta xeer-nidaamiyaha Wacygalinta Codbiyaha
• In xeer-nidaamiyaha Wacygalinta Codbiyaha uu ahaato mid dhammaan laga qayb- galiyay ururada iyo daladaha ay ku midaysan yihiin bulshada Soomaaliyeed, si loo helo hannaan daah furan oo bulshada Soomaaliyeed midayn kara.