Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kulanka Guddiga iyo wasiirada Konfur galbeed

Kulanka Guddiga iyo wasiirada Konfur galbeed

Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa kullamo la qaatay qaar kamid ah wasiirada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana kulankaas looga wada hadlay u diyaar garowga hawlaha diiwaangalinta codbixiyaha gaar ahaana cayimida xarumaha diiwaangalinta codbixiyaha oo dhawaan Guddiga bilaabi doono.
Wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Guddiga inay diyaar u yihiin in ay Guddiga kala shaqeeyaan hawlaha cayimida xarumaha lagu diiwaangalin doono codbixiyaasha.
Wasiirada uu Guddigu lakulmay ayaa kala ahaa wasiirka amniga, arrimaha gudaha iyo waxbarashada oo kaalin muhiim ah kuleh fududeynta hawlaha cayimida xarumaha lagu diiwaangalindoono codbixiyaasha.